SERIE A: AC Milan oo soo xasuuqday Kooxda SPAL 2013 oo ay booqatay, xilli labo jeer uu shabaqa soo taabtay Cutrone

0
384

Kooxda Kubadda cagta AC Milan ayaa soo xaaqday naadiga SPAL 2013 oo ay booqatay kulan ka tirsan horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga, waxaana ay uga soo badisay 4-0, xilli Patrick Cutrone uu labo jeer shabaqa soo taabtay.

Milan waxaa goolka u bilaabay daqiiqaddii 2’aad ee ciyaarta Patrick Cutrone, kaddib markii uu dhammaystiray kubbad uu soo tufay goolhayaha kulanka ayaana qeybta hore lagu kala nastay 1-0 looga gacan sarreeyey kooxda martida loo ahaa ee SPAL.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta AC Milan ayaa iska sii wadatay duullaankeeda, waxaana markale shabaqa soo taabtay oo goolkiisa labaad ee kulankan dhaliyey daqiiqaddii 65-aad Patrick Cutrone, waxaana uu kulanka ka dhigay 2-0 ay iska lahayd Milan.

Waxay markale AC Milan la timid goolka saddexaad ee ciyaarta waxaana 73’daqiiqo u dhaliyey Lucas Biglia, kaddib markii uu shabaqa gaarsiiyey kubbad uu ka soo tuuray bannaanka xerada ganaaxa, kulanka waxa uu ka dhigay 3-0 looga gacan sarreeyey SPAL.

Dhammaadkii ciyaartana waxaa goolka afaraad ee AC Milan ciyaarta ku soo xiray Fabio Borini, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiisa Riccardo Montolivo, kulanka ayeyna AC Milan uga soo adkaatay 4-0 naadiga SPAL oo ay booqatay.

AC Milan ayaa hadda fadhisa kaalinta 7-aad ee kala horreynta horyaalka Serie A, iyadoo leh 38-dhibcood 24 kulan oo ay ciyaartay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan