Tababare Arsene Wenger oo qirtay in ku dhameysashada afarta sare ee horyaalka ay tahay mid adag.

0
386

Tababare Arsene Wenger ayaa ugu dambeyntii qirtay in ku dhameysashada afarta sare ee horyaalka Ingiriiska ay tahay mid aad u adag kadib markii wiilashiisa ay qasaaro kala kulmeen Tottenham Hotspur kulan ka tirsan horyaalka.

Gunners waxaa looga adkaaday 1-0, waxeyna u dhinteen kaliya gool uu dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta Harry Kane kulankii North London Derby, waxeyna aheyd aargudasho timid waqti sax ah maadaama Gunners ay kulankii lugta hore ee horyaalka ku aawood sheegteen 2-0 iyagoo jooga Emirates Stadium.

Gunners haatan waxey sugan tahay kaalinta 6-aad ee horyaalka iyadoo lix dhibcood u jirta Liverpool oo booska afaraad fadhisa kulanna uu u harsan yahay, sidaas darteed wuxuu qiray in ku dhameysashada afarta sare ay tahay xaalad culus, balse ay dagaal gali doonaan.

“Wey dhaliyeen goolka waxey sameeyeen dhaqaaq, waxey dhalin kareen in ka badan, balse 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay waxaan heli karnay soo laabasho 1-1 ah, balse wey adag tahay in lagu dhameysto afarta sare balse waan dagaalami doonaa”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan