Garsooraha dhex-dhexaadin doona kulanka Juventus iyo Tottenham ee Champions League oo la shaaciyey

0
398

Waxaa la shaaciyey garsooraha seeriga u qaban doona kooxaha Juventus iyo Tottenham kulanka dhexmari doona Talaadada ee wareegga 16-ka Champions League.

Garsooraha reer Jarmal ee Felix Brych ayaa loo saaray dhexdhexaadinta kulanka Champions League wareeggiisa 16-ka ee u dhexeeya kooxaha Juventus iyo Tottenham Hotspur, kaasoo dhacaya Talaadada soo aaddan.

Waxaa garsoore Felix Brych kaalinya Mark Borsch iyo Stefan Lupp, halka ay goolka ag taagan yihiin Bastian Dankert iyo Marco Fritz.

Xeer ilaaliyaha afaraad ee kulankaas ayaana noqon doona Markus Hacker dhammaantood raggan ayaana dhalasho ahaan ka soo jeeda Waddanka Jarmalka.

Kooxda Juve ayaan xusuus wanaagsan ku ag lahayn garsoore Brych, maaddaama uu 42-sano jirkan oo ka soo jeeda magaalada Munich uu qabanayay 2017 Champions League Final, halkaasoo ay 4-1 Juve ku xaaqday kooxda Real Madrid.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan