Garsoore Nicolas oo kaarka Jaallaha siiyey Mario Balotelli markii uu uga dacwooday fal cunsuriyadeed oo lagula kacay!

0
418

Kooxda kubadda cagta Nice ee Waddanka Faransiiska ayaa ku doodaysa in xiddigooda Mario Balotelli jaalle lagu abaal-mariyey markii uu garsooraha uga dacwooday fal aflagaado cunsuriyadeed ah.

Mario Balotelli ayaa aflagaado cunsuriyadeed la kulmay taasoo uga imaanaysay taageerayaasha Dijon oo xalay kooxdiisa 3-2 uga badisay, balse markii uu garsoore Nicolas uga dacwooday falkaas waxaa uu ku abaal-mariyey kaarka digniinta.

Xiddiga reer Talyaani ayaa kaarka Jaallaha ka guddoomay  garoore Nicolas Rainville daqiiqaddii 74-aad ee ciyaarta, markaasoo uu ka ashtako ka ahaa taageerayaasha kooxda ka soo horjeeday oo si xun u aflagaadeeyey.

Naadiga Nice ayaa barteeda rasmiga ah ee Twitter-ka ku soo qortay: “Iisla markan, Mario Balotelli ayaa Jaalle la siiyay, kaddib markii ay daawatadu kaga caraysiisey aflagaaddooyin sinji quursi ah.”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan