Kooxda AC Milan oo qorsheynaysa inay u soo dhawaaqdo soo xero gelinta xiddig khadka dhexe uga dheela Man Utd

0
420

Kooxda kubadda cagta AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa la soo warinayaa inay qorsheynayso inay u soo dhawaaqdo soo xero gelinta xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Ander Herrera.

Ander Herrera ayaa saddex sano iyo barkii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey ku qaatay garoonka Old Trafford, waxaana uu dhaliyey 16 gool 151 kulan oo uu u saftay kooxda Man Utd tartammada oo dhan.

28-sano jirkaan ayaa isku dar 12 kulan xilli ciyaareedka ugu soo bilowday safka hore Premier League iyo Champions League kooxda Man United, taasoo horseeday in mustaqbalka xiddigan ee kooxda uu mugdi soo galo.

Sida uu warinayo Warsidaha Tuttosport, kooxda Milan ayaa xiiseynaysa inay xiddigan xulka qaranka Spain keento garoonka San Siro, maadaama ay doonayaan inay ku dhammaystaan ugu yaraan saddexda kooxood ee u sarreysa horyaalka Serie A.

Inkastoo ay maalgashiga weyn ee samaysay xagaagii la soo dhaafay, haddana kooxda AC Milan ay fadhisa kaalinta 7-aad ee horyaalka Talyaaniga, waxayna 25 dhibcood ka hooseysaa kooxda hoggaanka u haysa horyaalka Serie A ee Napoli.

AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay u diri doonto Wakiillo u soo daawada Herrera bilaha soo aaddan ee xilli ciyaareedkan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan