Arsene Wenger Oo Ka Hadlay Diyaar Garowga Kulanka Europa League & Xiddigaha Diyaarka U Ah

0
734

Tababare Arsene Wenger ayaa magcaabi doona koox xoog leh kulanka wareega 32ka ee Europa League kooxdiisa ku wajaheysa Ostersund.

Gunners ayaa u safri doonta kooxda reer Sweden lugta koowaad Khamiista, iyadoo Saxiixa cusub ee Pierre-Emerick Aubameyang uusan awood u laheyn inuu u ciyaaaro kooxdiisa.

Iyadoo Isbuucaan guuldarro uu kala kulmay Tottenham, haddana farqiga u dhexeeya Wenger iyo afarta kooxood ee ugu sareysa Premier League ma ahan mid niyad jab ku noqon doona ciyaartooyda Arsenal.

Waxa uu yiri Wenger: “Waxaan wax walba ugu dagaalami doonaa sida daacad ah

“Waxaan u ciyaari doonaa sida koox caadi ah oo uusan heysan cadaadis, sababtoo ah waxaan heysanaa fursad dheeraad ah oo aan wax walba ku hagaajin karno ayuu yiri Wenger.

Wenger ayaa xaqiijiyay inuu koox xoog badan ku wajihi doono kooxda Ostersund kulanka wareega 32 koox ee Europa League.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan