Eric Bailly oo la ogaaday kulanka uu Man United dib ugu soo laaban doono

0
755

 

Daafaca reer Ivory Coast ee muhiimka u ah kooxda Man United Eric Bailly ayaa la ogaaday kulanka uu kooxdiisa dib ugu soo laaban doono.

Bailly ayaa la sheegay inuu Man United kala qayb qaadan doono kulanka Champion-ka wareegiisa 16-aad lugta kowaad oo ay naadiga Sevilla la cayaarayaan.

Daafacan awooda badan tan iyo bishii November United uma cayaarin sidoo kalena kooxda Mourinho siweyn ayay Bailly u tabtay madaama uu xili cayaareedkii hore ka mid ahaa cayaartooydii kooxda ugu wanaagsanaa.

ESPN ayaa ogaatay in Bailly uu tababar adag sameenayo sidoo kalena halgan ugu jiro sidii uu todobaadka dambe kulanka Sevilla vs Man United kaga qayb qaadan lahaa.

Cayaaryahan dhaawac dhanka gumaarka iyo goobka in mudo ah ku maqnaa ayaa lagu kalsoon yahay keedka inuu soo fariisan doono kulanka FA Cup-ka wareegiisa 5-aad Man United sabtiga la cayaareyso naadiga Huddersfield Town.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan