Kooxaha Liverpool & Man United oo isku heysta weeraryahan La Liga ka ciyaara – Yaa ugu cad-cad?

0
794

Labada kooxood ee ugu guulaha badan England ayaa isku heysta weerrayahanka Deportivo La Coruna Pinchi, waxeyna dagaal weyn u gali doonaan sidii ay xagaaga soo aadan ku heli lahaayeen.

22-jirkaan heerka caalami wuxuu noqday mid aan laga faa’ideysan isagoon hal kulan kusoo bilaaban xilli ciyaareedkaan, marka la eego kooxda heerka sare, wuxuuna u dhacay kooxda labaad.

Inkastoo aysan jirin koox kale oo xiiseyneysa hadana laba ka mid ah kooxaha ugu waaweyn England ayaa xiiseynaya sida ay qorayaan warbaahinta Ingiriiska.

Mirror ayaa qortay in Liverpool ay ugu cad-cadahay isla markaana kaga horeyso Red Devils, dhanka kalana Deportivo aad ayey ugu farxi doontaa hadii ay hesho koox dooneysa xidigaan.

22-kulan ayuu kooxda labaad u saftay 6-gool ayuu shabaqa gaarsiiyay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan