Rasmi: Macalin Maxi Allegri oo xaqiijiyay Dybala kulanka Spurs inuu seegayo iyo xidigaha Juve kulankan u matalayaan

0
393

 

Tababaraha kooxda Juventus Maxi Allegri ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska xidigaha Juventus u matalayaan habeen dambe kulanka Tottenham koobka horyaalada Yurub wareegiisa 16-aad lugta kowaad.

Macalin Allegri ayaa xaqiijiyay in Paulo Dybala uusan kulankan adag ka qayb qaadan karin madaama cayaaryahankan uu kasoo kaban waayay dhaawaca uu dhawaanahan kooxda kaga maqnaa.

Macalin Allegri ayaa sheegay inuu heesto xidigo muhiim ah oo booska Dybala buuxin karaan kulanka habeen dambe magaalada Turin ka dhacaayo.

Fadlan hoos kaga bogo cayaartooyda macalin Allegri usoo xushay Juve inay habeen dambe kulanka Tottenham u matalaan:

1 Buffon
2 De Sciglio
3 Chiellini
4 Benatia
5 Pjanic
6 Khedira
8 Marchisio
9 HiguaĆ­n
11 Douglas Costa
12 Alex Sandro
16 Pinsoglio
17 Mandzukic
22 Asamoah
23 Szczesny
24 Rugani
27 Sturaro
30 Bentancur
33 Bernardeschi
37 Muratore

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan