Alvaro Morata oo qirtay inaan la celin karin Lionel Messi talo muhiim ahna siiyey xiddigaha kooxdiisa ka hor kulankooda Champions League

0
768

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Chelsea ee Alvaro Morata ayaa soo jeediyey in kooxdiisua ay ka heli karto suurto-galnimada ah inay  aamusiso xiddiga Barcelona ee Lionel Messi kulanka wareegga 16-ka Champions League.

Kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London ayaa garoonkeeda Stamford Bridge ku soo dhaweyn doonta naadiga reer Spain 20-kabishaan Febraayo.

Messi, kaasoo shan goor ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican Adduun ee Ballon d’Or ayaa aad ugu baahi qaba inuu goolal ka dhaliyo Chelsea, kaddib markii uu ku guuldarreystay inuu gool ka dhaliyo Blues siddeed goor oo uu ka hor yimid.

Morata ayaa maleynaya in xaaladuhu kala duwanaan karaan marka ay labada kooxood madaxa is geliyaan todobaadka dambe.

Alvaro Morata ayaa sheegay inaan la awoodin in la celiyo Lionel Messi, balse wuxuu u xusay kooxdiisa qaab difaaceed ay uga adkaan karaan Barcelona.

“Messi lama celin karo” ayuu xiddiga reer Spain ee Morata u sheegay Movistar+.

“Haddii aan doonayno inaan natiijo wanaagsan ku helo halkaan, waa inaan ciyaarno kulan difaac ku dhisan, inagoo u diidayna inaan iyaga siino meelo banaan, oo aan isku dayno inaan dhibaateyno iyaga sida ugu badan ee ugu macquulsan.”

Blues ayaa lugta labaad ee 16-ka Champions League waxa ay u safri doontaa garoonka kooxda Barcelona ee Camp Nou, marka ay taarikhdu tahay 14 bisha soo socota ee Maarso.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan