HT – Manchester City oo qeybtii hore kulanka ay martida tahay goolal ku harqisay FC Basel.

0
229

Manchester City ayaa si xarago leh qeybta hore hogaanka uga heysa kooxda Basel kulanka lugta hore wareega 16-ka Champions League, waxeyna sadex gool ka heshay Sergio Aguero, Bernardo Silva iyo Ilky Gundogan.

Wiilasha Guardiola waxey muujinayaan iney yahiin koox aan wax badan u baahneyn in la aado guri kale hadii aysan qeybta labaad wax isbadalin.

GOAL: Daqiiqadii 14-aad: Ilky Gundogan ayaa shabaqa gaaray markii uu si adag u madaxeeyay kubad ka tirmid koornada, wuxuuna muujiyay inuu dhinac walba gool u dhalin karo.

GOAL: Daqiiqadii 18-aad: Bernardo Silva ayaa shabaqa soo taabsiiyay kubad qurux badneyd, wuxuuna xidigaan muujiyay inuu u qalmo mar walba safka hore ee kooxda.

GOAL: Daqiiqadii 23-aad: Sergio Aguero ayaa shabaqa soo taabtay, wuxuuna ka toogtay shabaqa xerada banaankeeda.

Qeybtii hore Citizens oo gacan sareysa ayaa lagu kala maray isla markaana wax badan laga filanayo qeybta labaad.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan