Juventus oo hogaanka u heysa kulanka Turin ka socda ee ay wareega 16-ka kula ciyaarayaan Tottenham Hotspur.

0
212

Juventus ayaa hogaanka u heysa kulanka xiisaha leh ee ka dhacaya garoonka Allianz Arena iyadoo Gonzalo Higuain uu laba gool dhaliyay sidoo kalana uu iska qasaariyay fursad uu gool sadexaad ku dhalin karay.

Tottenham Hotspur ayaa ciyaar fiicneed qeybtii hore ciyaarta, waxeyna u muuqatay mid dhan walba u maamushay qeybta hore.

GOAL: Daqiiqadii 2-aad: Gonzalo Higuain ayaa shabaqa soo taabtay markii uu si qurux badan u dhameystiray kubad qiyaano ah oo uu ka helay Miralem Pjanic kaas oo laad xor ah u xaday, si fiican ayuuna goolhaye Lloris u daba mariyay xidiga reer Argentina.

GOAL: Daqiiqadii 9-aad: Gonzalo Higuain ayaa goolka labaad ee Bianconerri dhaliyay markii uu dhameystiray rigoore loo dhigay kooxdiisa, iyadoo qalad lagu galay Bernardeschi.

GOAL: Daqiiqadii 35-aad: Harry Kane ayaa dhaliyay gool muhiim u ah kooxdiisa, waana mid rajada kooxdiisa soo celiyay, waana mid ku yimid Turin kaas oo macno weyn ugu fadhiya.

RIGOORE: Daqiiqadii 45-aad: Gonzalo Higuain ayaa loo dhigay rigoore uu kooxdiisa hogaanka ugu dheereyn karay, balse ma dhicin birta kore ayuu isaga dhuftay.

Qeybta hore waxey ku dhamaatay 2-1, oo ay ku hogaamineyso Juventus, qeybta labaad ayaa la sugi doonaa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan