Lama filaan: macalin Conte oo amaanay tababaraha shaqadiisa halis ku ah

0
655

 

Macalin Antonio Conte ayaa si lama filaan ah amaan kala dul dhacay tababare Luis Enrique oo siweyn loo hadal haayo inuu shaqada Chelsea kala wareegi doono.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa hadal heyso in macalin Enrique oo Chelsea heshiis labo ah la gaaray sidoo kalena shaqada Stamford Bridge la wareegi doono xagaaga nagu soo fool leh.

Balse macalin Conte sheekadaan wax walaac ah kuma heyso wuxuuna amaan kala dul dhacay Luis Enrique mar la weydiiyay inuu shaqada kala wareegi rabo.

Conte wuxuu yiri “Aniga shaqadeyda Chelsea ayaan gudanayaa hadafkeygana wuxuu yahay tartan walbo inaan diirada saaro, kuma mashquulsani waxa ah saxaafada hadal heyso”

“Balse Luis Enrique waa saaxiibkeey sidoo kalena cayaaryahan weyn ayuu ahaa markii uu kubada cayaari jiray”

“Anigoo cayaartooy ah ayaan iska hor imaanay hada ka hor waxaana aaminsanahay inu qof aad u wanaagsan yahay”

“Aniga shaqsi ahaan aad ayaan ula dhacsanahay shaqadiisii macalinimo iyo midiisii cayaartooynimo”

Dabcan Conte saxaafada wuu ka raayay madaama uusan si careesan uga jawaabin sheekada ah in Luis Enrique shaqada Chelsea kala wareegayo marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan