Manchester United oo afar ciyaaryahan oo aysan ku jirin BBC ka doonaysa kooxda Real Madrid – Waa kuwee?

0
772

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay suuqa xagaaga kooxda Real Madrid ka doonayso inay kala soo saxiixato afar ciyaaryahan oo aysan ku jirin Weeraryahannada BBC la isku yiraahdo ee Cristiano, Bale iyo Benzema.

Macallinka Man Utd ee Jose Mourinho ayaa suuqa bishii Janaayo ku guuleystay inuu kala soo wareego kooxda Arsenal xiddiga Alexis Sanchez.

Xiddiga xulka qaranka Chile ee Alexis Sanchez ayaa si weyn loola xiriirinayey markii hore Manchester City, laakiin dhammaadkii waxa uu doortay Old Traffrod, iyadoo dhinaca kale ee Arsenal-na uu aaday Henrikh Mkhitaryan oo ka tagay Man United.

Shabakadda Don Balon ee laga aqristo Spain ayaa warinaysa in marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha xagaaga, macallinka reer Portugal ee Mourinho uu u dhaqaaqi doono sidii uu kooxda Real Madrid ugala soo saxiixan lahaa Marco Asensio, Toni Kroos, Raphael Varane iyo Isco.

Waridaha Spanish-ka ah waxa uu shaaca ka qaaday in kooxda lagu naanayso Red Devils ay u furan tahay inay Los Blancos u soo bandhigto goolhayaheeda David de Gea si ay uga bedelato afartaan xiddig.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan