Marcelo “Real Madrid Neymar kaliya kama fikireyso inay iska ilaaliso”

0
594

 

Habeen dambe kooxda Real Madrid waxay garoonka Bernabue kusoo dhaweenayaan naadiga PSG wareega 16-aad Champion-ka lugtiisa kowaad.

Hadaba cayaaryahan Marcelo ayaa saxaafada la hadlay ka hor kulankaan adag asigoo iska diiday in kooxdiisa Madrid cayaaryahan Neymar kaliya halistiisa iska ilaalin doonto.

Marcelo wuxuu yiri “Neymar kaliya halistiisa kama fikireyno waana arin qalad ah waayo dhamaan cayaartooyda PSG waa kuwo tayadooda aad u sareyso waxaana nagala rabaa inaan si taxadar ku dheehan ula cayaarno”

Marcelo waxay saxaafada weydiisay inuu sharaxo hadalkii dhawaan kasoo yeeray ee ahaa in Neymar kor iyo hoos Real Madrid imaan doono.

Marcelo wuxuu yiri “Ma dhihin Neymar Real Madrid ayuu u cayaari doona ama imaan doonaa hubanti ahaan, balse waxaan dhahay waa macquul maalin maal maha ka mid ah inuu Madrid imaado”

“Marwalbo ayaan Neyrmar isla xariirinaa balse arimo kubada cagta ku saabsan kama wada hadalno xiligaan”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan