Angel Di Maria: Xiriirkii Real Madrid Waa Dhamaaday, Dhibna Kuma Qabo Xirashada Maaliyada Barcelona

0
1115

Angel Di Maria ayaan dareen dhab ah u haynin kooxdiisii hore ee Real Madrid, isagoo sheegay inuusan wax dhib ah ku qabin haddii uu xirto xitaa maaliyada kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.

Di Maria ayaa hadalkaan ku dhawaaqay ka hor kulanka kooxdiisa Paris Saint-Germain u safreyso caawa caasimada Spain si ay ula ciyaarto kooxda Real Madrid.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina ayaa si la yaab looga fasaxay kooxda Real Madrid ka dib markii uu qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ka sameeyay kulankii finalka Champions League sannadkii 2014kii, waxaana uu ku biiray kooxda Engkand ka dhisan ee Manchester United.

Laakiin Ka dib markii uu ku fashilmay nolosha Old Trafford, 30 jirkaan ayaa u dhaqaaqay PSG oo caawa Real Madrid kula kulmeysa lugta koowaad ee wareega 16ka Champions League.

Xiddigii hore ee Benfica ayaa qaab ciyaareed xun ku jira, waxaana uu dhaliyay 11 gool 13kii kulan ee ugu dambeyay ee uu usaftay kooxda reer France.

Di Maria ayaa dareensan inuu soo idlaaday xiriirkii kala dhaxeeyay kooxdiisa hore ee Real Madrid marka uu ku ciyaarayaan caawa garoonka Santiago Bernabeu.

Waxa uu sheegay inuusan xiriir kala dhaxeeya waqtigaan kooxda Real Madrid uusan ka reebi doonin inuu mustaqbalka u wareego kooxda Barcelona.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan