Cayaartooyda Liverpool oo ku dhawaad sedex laab ka qiimo badan kuwa FC Porto

0
385

 

Kooxda Liverpool waxay caawo garoonka Estádio do Dragão kula cayaareysaa naadiga FC Porto wareega 16-aad Champion-ka lugtiisa kowaad.

Hadaba wargeyska gudaha Portugal kasoo baxo Jornal De Notícias ayaa soo bandhigay xog ku aadan in cayaartooyda guud Liverpool ku sugan ku dhawaad sedex laab ka qiimo sareeyaan kuwa FC Porto ku sugan.

Shabakada Transfermarkt waxay ku qiimeesay €508m dhamaan cayaartooyda Liverpool ku sugan halka kuwa FC Porto ku sugan qiimo ahaan ku fadhiyaan €209m.

Sidoo kale wargeyska O Jogo isagana wuxuu qoray in Virgil van Dijk kaliya Liverpool bishii Janaayo kusoo iibsatay £70m halka 11-ka cayaaryahan ee FC Porto joogto u adeegsato ay ku fadhiyaan €51m wadarta guud!

Sidaa darteed kooxda Jurgen Klopp hogaamiyo hadii caawo ay guul daro kala kulmaan FC Porto ceeb weyn ayay ku noqon doontaa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan