Justin Kluivert oo shaaciyey Magacyada illaa afar kooxood oo ka dhisan Premier League oo uu midkood ku biiri doono

0
985

Da’yarka kooxda Ajax ee Justin Kluivert ayaa shaaciyey illaa afar kooxood oo ka dhisan horyaalka Premier League oo uu midkood ku biiro doono.

Justin Kluivert waxa uu iska diiday inuu meesha ka saaro ku biirista horyaalka Premier League, waxaana uu magacaabay illaa afar kooxood oo Ingiriis ah oo uu midkood u dheeli karo.

Kluivert oo uu dhalay halyeygii kooxda Barcelona ee Patrick ayaa si weyn loola xiriirinayey kooxda Manchester United xilliyadii dambe, laakiin waxa uu haatan daaha ka qoray in kooxda ka dhisan garoonka Old Taffrod aanay ahayd naadiga qura ee raadinaysa.

‘England way ii baaqaysaa, Arsenal, Tottenham, Chelsea ama Manchester United waa naadiyo wanaagsan, oo aan u arko kuwo aan u dheeli karo sanadaha yar ee soo socda.” ayuu Justin u sheega Helden.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan