La yaab: waxay u badan tahay in Thiago Silva caawo shaxda kowaad laga reebo kulanka Real Vs PSG

0
963

 

Shabakada caanka ah L’Equipe ayaa wax yar ka hor qortay in ruug cadaa Thiago Silva ay u badan tahay si la yaab leh shaxda kowaad PSG caawo looga reebo.

Macalin Unai Emery ayaa sameyn doono xulasho la yaab leh wuxuuna keedka dhigi doonaa daafaca awooda badan Thiago Silva asigoo ka door bidi doono Presnel Kimpembe.

Presnel Kimpembe waa daafac Faransiis ah sidoo kalena 22-jir ah xili cayaareedkan Paris u cayaaray 24-kulan dhamaan tartamada kala duwan weliba labo kulan ayuu Champion-ka cayaaray.

Madaama Thiago Silva dhaawaciisa badnaa xili cayaareedkan kulanka caawana uu yahay mid adag tababare Emre si geesinimo ku dheehan wiilka dhalinta yar Presnel Kimpembe ayuu kusoo bilaabi doonaa.

F.G: Warbixintaan rasmi ma ahan balse L’Equipe ayaa qortay in Silva ay u badan tahay caawo shaxda kowaad laga reebi doono kulanka Real Madrid Vs PSG.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan