Maxay Tahay Sababta PSG U Saacidi Karto Caawa Guuldarradii Taariikhiga Aheyd Ee Barcelona

0
1377

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain Unai Emery ayaa aaminsan in kooxdiisa ay ka faa’ideysan karto qibrada ay ka qaaday guuldaradii kasoo gaartay sannadkii hore Barcelona markii ay caawa la ciyaarayaan Real Madrid.

“Waxba kama qabno arimahaan, laakiin waxaan si cad uga hadalayaa wixii dhacay sannad ka hor” ayuu Emery ku sheegay shirkiisii jaraa’id ee uu ku qabtay Santiago Bernabeu.

“Wax badan ayaan ka bartay halkaan, waxaan qabaa inaan si fiican u diyaargaroobi doono ka hor ciyaarta, diyaar ayaa u nahay inaan tartanno xili ciyaareedkaan.

Xusuustii sanadii hore markii PSG looga badiyay 6-1 garoonka Camp Nou, waxa ay aheyd wax adaga inaan aqbalno, laakiin waxaan ka qaadanay qibrad oo kaliya.

“Tani waa fursad aan koox ahaan wax badan ka kororsanay, waxaan la ciyaareynaa kooxda difaacaneysa tartanka iyo mida ugu guulaha badan caawa, waxaan dooneynaa inaan helno heerkooda kale” ayuu hadalkiisa raaciyay tababare Emery.

Kooxda Faransiiska ka dhisan ayaa lacag badan ku bixisay xagaagan saxiixa Neymar, iyagoo doonaya inuu ka saacido ku guuleysiga tartanka Champions League, inkastoo aysan ka gudbin wareega quarter-finalka tan iyo 2011kii.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan