Saddex Koox Oo Dalab Ka Gudbiyay Weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette

0
1268

Kooxaha Serie A ayaa isku heysta weeraryahanka kooxda Arsenal Alexandre Lacazette kaasoo aan ku qanacsaneyn sii joogista Magaalada London.

Calciomercato.com ayaa sheegay in Lacazette uu ka fiirsanayo xiisaha ay u hayaan kooxaha ugu waa weyn dalka Talyaaniga.

Ciyaaryahanka reer France ayaa waayay booska jogtada ah ee kooxdiisa tan iyo markii uu yimid Pierre-Emerick Aubameyan, taasoo ku dhiiri galineysa inuu dhaqaaqo.

Inter Milan, AS Roma iyo Juventus ayaa dhamaantood isha la raacaya xaalada weeraryahanka, iyadoo seddexda kooxood ayaa isku diyaarinayaan inay dalab gudbiyaan xagaaga soo aadan.

Lacazette ayaa haatan qaliin looga sameeyay jilibka, waxaana uu maqnaan doonaa muddo lix isbuuc ah

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan