Samuel Umtiti oo ka naxsaday maamulka kooxda Barcelona waxaana u sabab ah Manchester United!

0
1214

Samuel Umtiti ayaa wuxuu ka dalbaday maamulka kooxda Barcelona inay qandaraas cusub oo uu ku qaadanayo mushaar badan ka saxiixdaan – haddii kale wuxuu ku hanjabay inuu ku biiri doono naadiga Manchester United.

Manchester United ayaa la hadashay Umtiti intii lagu jiray suuqii Jannaayo, sida ay majaladda Diaro SPORT daaha ka qaaday.

Inkastoo uusan heshiis gaar ah la meeldhigin kooxda ka dhisan Old Trafford, hadana tababare Jose Mourinho ayaa haatan u weecday Umtiti oo uu aaminsan yahay inuu xal u noqon karo dhibaatada dhanka daafaca ka heysata kooxdiisa.

Sida ay warbixintaani sheegeyso, Umtiti iyo Barcelona ayaa heshiis isla meeldhigay iyadoo la qorsheeyey inuu xiddigaani saxiixo qandaraas cusub xagaaga soo aadan.

Qandaraaska xiddigaani uu haatan kula jiro Barcelona ayaa dhacaya 2021ka, waxaana lagu burburin karaa 53 milyan oo ginni ama 60 milyan oo euros, taasoo sahli karta inay Man United gacanta kusoo dhigto xiddigaan.

Umtiti ayaase la aaminsan yahay inuu Manchester United ka dhiganayo maqaalinkii uu Barcelona uga heli lahaa qandaraas cusub oo qaali ah. Man United ayaana u ballan qaaday 5.3 milyan oo ginni oo mushaar ah sannadkii marka canshuurta laga reebo.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan