Sidee Goolhaye Petr Cech Kaga Caawiyey Christian Eriksen Bilisyoonkii Uu Ka Dhaliyay Juventus?

0
2541

Goolhayaha Arsenal Petr Cech ayaa si wamaagsan u ciyaaray kulankii Arsenal wajahday Tottenham Hotspur toddobaadkaan, inkastoo gool madax ah uu ka dhaliyay Harry Kane.

Laaakiin Goolhayaha Arsenal ayaa si dirqi ah kaga saaray ciyartaas laaad xor ah Christian Eriksen oo xalay bilisyoon cajiib ah ka dhaliyay goolhayaha khabiirka ah ee Gianluigi Buffon.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka Eriksen uu dhulka ugu socodsiiyay laadkii xorta ahaa ee uu ka dhaliyay Buffon ayaa waxaa sabab u ahaa goolhaye Cech oo laad xor jog sare ah ka saaray ciyaaryahanka kulankii derby London ee sabtidii.

Ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Tottenham Christian Eriksen ayaa kamid ah ciyaartooyda ugu badan ee dhaliya laadadka xorta ah kubadda cagta.

Eriksen ayaa farta ku fiiqay ciyaarta kadin in goolhaye Cech ka saaray laad xor qurux badan toddobaaadkaan, laakiin Nasiib wanaag kulankaan uu ku guuleystay inuu shabaqa dhax dhigo.

“waxaaan sameeyay kaliya aragti aan kasoo qaatay kulankii London Derby, waxaana u maleynayaa inaan bedelay maskaxdeyda markii aan wajahayay Buffon “ayuu hadalkiisa ku daray Christian Eriksen.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan