Taageerayaasha Man City kuma farxin in Craig Pawson dhex dhexaadin doono Fiinaalaha Carabao Cup

0
729

 

25-ka bishan Febraayo garoonka Wembley waxaa ku wada cayaari doonaan kooxaha Man City iyo Arsenal oo uu dhex yaalo Carabao Cup.

Hadaba taageerayaasha Man City sooma dhaweyn ama kuma farxin on garsoore Craig Pawson FA-ga u xil saareen inuu kulankan adag dhex dhexaadiyo.

Pawson wuxuu qaban doonaa fiinalaha ugu horeeyay ee kubada cagta Ingiriiska loo adeegsan doono aalada VAR ama garsoorayaasha ka caawiyo inay dib Video-ga uga daawadaan go’aamada muranka dhaliyaan.

Taageerayaasha Man City waxaysan hilmaamin in Craig Pawson uu dhex dhexaadiyay Semi Fiinaalihi FA Cup-ka ee sanadki hore Arsenal 2-1 ku reebtay Man City.

Taageerayaasha City waxay ciil qabaan in garsoore Pawson uu gool ka diidan kulankaan kubad Leroy Sane soo karoosay uu ku tilmaamay inay dibada u baxday.

Sidaa darteed taageerayaasha Man City wey careesan yihiin waxayna aaminsan yihiin markale garsooye Craig Pawson qalad ka gali doono Fiinaalaha Carabao Cup.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan