Wax Walba Oo Aad Kaga Baahan Tahay Kulanka Adag Ee Real Madrid vs PSG

1
929

Labo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Yurub ayaa isku wajahi doona Santiago Bernabéu marka wareega 16ka Champions League ay isku arkaan Real Madrid CF oo laba jeer xiriir ah ku guuleysatay Champions tartankaan iyo PSG oo kamid ah kooxaha loogu cabsida badan yaahy sannadkaan in ay ku guuleystaan tartanka.

Madrid ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee Group H, markaasoo Tottenham Hotspur FC ay kusoo baxday kaalinta koowaad ee Group-ka.

Paris ayaa badisay shantii kulan ee ugu horeysay Group B in kastoo qasaaro xanuun badan ay kala kulmeen kooxda FC Bayern München.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda reer Spain ayaa ku guuleysatay in ay gaarto semi-finalka tartankaan mid kasta oo ka mid ah todobadii xilli ciyaareed ee u dambeysay, halka Paris ay dhibaato xanuun badan kala kulmeen kulankoodii ugu dambeeyay isreebreebka tartankaan 12 bilood ka hor markaaasoo FC Barcelona ay si lama filaan ah kusoo reebtay.

Labadaan koox ayaa markii ugu dambeyay kulmay xilli ciyaareedkii 2015/16, markaasoo barbaro 0-0 lagu galay Paris ka hor inta 1-0 ku Real Madrid ku badin garoonkeeda.

Daafaca Nacho ayaa dhaliyay goolka kaliya ee Los Blancos ku badisay daqiiqadii 35aad isagoo labo daqiiqo ka hor bedel ku yimid.

Natiijadaan ayaa ka caawisay kooxda Merengues inay ku dhameysato qeybta sarre ee Group-ka, seddex dhibcood ka hor martay kooxda ka dhisan Faransiiska.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Santiago Bernabéu

SAACADA: 10:45 PM

MAXAA CUSUB?

Zidane waa inuu isbedel ku sameyaa shaxdiisa difaaca kadib ganaaxa la saaray Dani Carvajal, iyadoo Raphael Varane suurtagal ay tahay inuu ka maqnaado kooxda reer Spain, taasoo la micno ah in Nacho iyo Sergio Ramos kusoo wada bilaaban karaa daafaca dhaxe.

Jesus Vallejo ayaa dhaawacan, halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Dani Ceballos isna shaki laga qabo xaaladiisa.

Waxaa jira walaac yar oo la xiriira helitaanka Neymar, xiddiga reer Brazil waxa qabaa dhaawac canqowga ah, halka Thiago Motta aan la heli Karin kulanka caawa, laakiin tababare Emery ayaa heysta koox kale oo caafimaad qabta kulanka caawa.

Layvin Kurzawa iyo Edinson Cavani oo labadoodaba seegay kulankii Sabtidii ayaa heli karaa, inkastoo tababare Unai Emery uusan si rasmi ah weli u shaacin xiddigaha uu ku wajahayo Real Madrid.

XAQIIIQADA LABADA KOOX

Real Madrid iyo PSG ayaa natiijooyin isku mid ah ka heysta afar kulan oo ay ciyaareen, waana labo guul iyo labo barbaro.

Zidane waxa uu ku guuleystay 10 ka mid ah 14 kulan oo Champions League uu hogaamiyay marxaladaan oo kale kooxdiisa, waxaana uu badiyay dhamaan lixdii kulan ee ugu dambeysay ee uu ku ciyaaray Bernabeu.

Real ayaa ka ciyaareysa Champions League xilli ciyaareedkii 21aad, waana kooxda taariikhda ugu badan kasoo muuqashada tartanka.

Real ayaa gaartay semi-finalka mid kasta oo ka mid ah todobadii xili ciyaareed ee ugu dambeyay oo ay kasoo qeyb gashay tartankan Champions League.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Real Madrid: Navas; Varane, Nacho, Ramos, Marcelo; Kroos, Modric, Casemiro; Bale, Ronaldo, Benzema.

PSG: Areola; Yuri, Silva, Marquinhos, Alves; Verratti, Rabiot, Di Maria; Neymar, Mbappe, Cavani.

SHARE

Hal aragti

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan