article-0-1D0F42BC00000578-481_634x419Arsenal ayaa isku deyi doonta inay hubiso mustaqbalka tababare Arsene Wenger Isbuucaan ka dib markii ay buukimteen booskooda finalka FA Cup ee dhici doona 17ka bisha May.

Lukasz Fabianski ayaa ahaa geesigii Arsenal, isagoo badbaadiyey laba rigoore, xilli ay goolku laadyo 4-2 ah uga badiyeen kooxda tartanka heysata ee Wigan kulanki semi-finalka ee ka dhacay Wembley Stadium ka dib markii kulanku uu kusoo dhamaaday 1-1 iyadoo 120 daqiiqo la ciyaaray.

Arsenal ayaa iska soo magtay goolkii Jordi Gomez uu rigoorada ku dhaliyey daqiiqadii 63aad, ka dib markii uu Per Mertesacker diilinta ganaaxa ku dhexjilaafay Callum McManaman.

Laakiin, iyadoo sideed daqiiqo ka hartay waqtiga loogu talogalau ciyaarta, daafaca dhexe ee Arsenal ayaa qaladkiisa soo magay isagoo goolka barbaraha madax ku dhaliyey, isla markaana 30 daqiiqo oo dheeri ah ciyaarta lagu daray, ka hor inta uusan goolhaye Fabianski oo ahaa geesigoodii dhameystirin inay dib usoo kabtaan.

Guushaas ayaa siisay Arsenal fursad ay ku hanan karto koobkeedii ugu horreeyey tan iyo 2005tii. Kooxda ayaana haatan dooneysa in mustaqbalka Wenger sida ugu dhaqsaha badan xal looga gaaro si meesha looga saaro wararka xanta ah ee sheegaya inuu shaki ku jiro mustaqbalkiisa FLY Emirates Stadium.

Milkiilaha reer America ee Stan Kroenke iyo madaxa fulinta Ivan Gazidis ayaa Wenger iyo ciyaartoydiisa kula biiray dabaaldegoodii qolka lebiska ka dib guushii kulankii Sabtidii.

Maalmaha soo aaadan, madaxda Arsenal ayaa jawaab ka sugaya tababaraha reer France taasoo la xiriirta yoolkiisa ku aadan haddii uu qandaraas cusub oo labo sano ah qalinka ku duugayo, qandaraaskaas oo miiska u saarnaa tan iyo markii uu curtay sanadkaan 2014.

Wenger ayaa kooxda horay ugu ballan qaaday inuu saxiixi doono qandaraaska cusub, laakiin diidmadiisii aheyd inuusan qalinka ku duugeyn ayaa keentay in shaki laga geliyo inuu bedeli karo go’aankiisa.

Isagoo hadlayey ka dib guushii ay gaartay kooxdiisu, Wenger ayaa yiri: “Natiijada ah inaan gaarnay finalka FA Cup wax xiriir ah lama yeelan doonto mustaqbalkeyga. Niyad ahaan muhiim ayey inoo aheyd, habeen fiican ma aanan qaadaneen haddii kulankaan nalaga badin lahaa oo aan welweli laheyn.”

Use Facebook to Comment on this Post

Fikrad ka dhiibo

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Current day month ye@r *