390594_heroaSteven Gerrard ayaa aamisan inay bisha soo aadan noqon karto bishii ugu weyneyd xirfadiisa ciyaareed isagoo doonaya inuu Liverpool ka caawiyo hanashada horyaalkeedii ugu horreeyey ee Barclays Premier League.

Philippe Countinho ayaa goolka guusha u dhaliyey xilli wiilasha Brendan Rodgers ay gaareen guushii 10aad oo xiriir ah iyagoo Axadii garaacay Manchester City isla markaana laba dhibcood ku hogaaminaya horyaalka.

Kabtan Gerrard ayaana doonaya inuu intii karaankiisa oo dhan ah xooga saaro afarta kulan ee ugu dambeysa xilli ciyaareedka isagoo doonaya inuu Reds kula guuleysto horyaalkeedii ugu horreeyey ee Premier League, xilli uu kooxda kusoo biiray isagoo todobo sano jir ah.

“Waxaan u maleynayaa inaan soo bandhignay qaab ciyaareedkeenii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkaan oo dhan,” Gerrard ayaa sidaasi u sheegay website-ka kooxdiisa. “30kii ilaa 35tii daqiiqo ee ugu horreysay kulanka waxaan dhulka dhignay kooxda ugu wanaagsan horyaalka kulamada martida ah. Waxaana ka dhalin karnay seddax ama afar gool.

“Uma maleynayo inay 2-0 kaaga filan tahay inaad uga badiso koox heer sarre ah oo ka ciyaarta horyaalkaan. Laakiin gabi ahaanba shaqadii waan soo qabanay, dhib ma lahan inaan fiirino sida aan kusoo qabanay, waxaana ka mahdinayaa sidii aan u ciyaarnay dabayaaqadii ciyaarta.

“Waan ku riyaaqayaa, waa wax weyn inaan la ciyaaro ciyaartoydaan badan ee heerka sarre ah. Shaqadaan waxaan kusoo dhexjiray muddo sanooyin ah, marna sarre ayaan u kacayey marna hoos ayaan u dhacayey. Hadda waxaan jeclaanayaa daqiiqad kasta oo kubadda cagta ah.

“Waxaan dareemayaa sida inaan ahay 21 sano jir markale marka aan la ciyaarayo dhamaan ciyaartoydaan heerka sarre ah. Malaha waxaan ku socdaa inaan qaato bishii iigu weyneyd xirfadeyda ciyaareed oo haatan nagu soo fool leh. Waxaan sameyn doonaa wax kasta oo karaankeyga ah.”

og gool

Source: Fubo

One Comment

  1. wan ku faraxsanahay in aan arko liverpool oo kob waadaysa

Fikrad ka dhiibo

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Current ye@r *